ceelgows

ceelgows.com

warkii puntland, posted with vodpod

December 3, 2011 at 7:43 am Leave a comment

Dhaawaca Taliyaha ayaa la geeyey Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo

Taliyihii Ciidanka Danbi Baarsita Dawlada Puntland ee Gobolka Mudug G/lle Sare,Warsame Yuusuf Axmed (Yey)ayaa Caawa ay Koox hubaysani ku dhaawaceen Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Warsame Yuusuf Axmed ayaa Nin hubaysane uu Rasaas ku furay xili uu kasoo baxay Masjidka Al-towba ee Xaafada Israac,Iyadoo ay Rasaasta lagu furay ahayd Sadex Xabbo ayaa ay mid kamid ah ku dhacay,Waxaana Weerarkan oo ahaa iskuday dil taliyaha kasoo gaaray Dhaawac Fudud.

Dhaawaca Taliyaha ayaa la geeyey Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo,waxaana imika ay Takhaatiir katirsan kuwa gobolka Mudug ay kusuganyihiin gudaha Isbitaalkaas iyadoo ay ku Dabiibayaan Sarkaalkan u sareeya Ciidamada CID-da ee Gobolka Mudug.

Duraan5@gmail.com

Saraakiil katirsan Maamulka gobolka Mudug oo uu horkacayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa Isbitaalka gaaray Daqiiqado un kadib markii uu Weerarkani dhacay,waxaana ay Ciidamada Amaanku imika Baaritaano Culus ay ka wadaan Goobta uu Weerarkani ka dhacay.

Weerarkan loo geystay Taliyaha oo ay Walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane,Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa noqonaya midkii u horeeyey oo Mudooyin belo ah ka dhaca Magaalada Gaalkacyo,Waxaana ay Magaaladu Mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka daganayd Weerarka lagu qaado Madaxda Maamulka & Indheer garadka Gobolka.

December 2, 2010 at 3:05 am Leave a comment

Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheeka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee

Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheeka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee Shabaab ayaa shalay galab goob fagaare ah kula hadlay dadweyne la isugu yeeray degmada Baardheere ee gobolka Gedo kuwaasoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.

“Waxaad la socotiin in cadowga Ilaahey ay qorsheynayaan in ay la soo kordhiyo ciidamadooda Afrikaanka calooshod u shaqeystayaasha, marka waxaa la idinka rabaa in idinka iyo haweenkiina iyo carruurtiinaba ay u kala harin jihaadka oo aad dhinaciina ka kordhisiin halganka looga hortagayo cadawgaasi ku soo duulay dalka iyo diinta” ayuu yiri Sheekh Cali dheere oo dadkaasi tabaaleysan ee tooda heysata ku booriyay in ay dagaalamaan.

Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in loo baahanyahay iskaashiga walaalaha Muslimiinta iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan si ay u gaaraan horumar iyo baraare, wuxuuna odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dibu heshiisiinta laguna midoobo Kitaabka ALLE iyo Shareecada Islaamka.

Abuu Masuur ayaan marnaba soo hadal qaadin erayo ka hadlaya dagaalada iyo waxa loogu yeero Jihaadka kaasoo laga dheehan karo dabacsanaan iyo inuusan ku qanacsaneyn qaabka aan dhamaadka iyo natiijada laheyn ee ka jira dalka gaar ahaan Muqdisho, isagoo horay ciidamadiisa ugala baxay gobolada Banaaadir, Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.
Booqashada Masuuliyiinta ee Baardheere ayaa warar hoose oo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan inay hordhac u tahay kulan balaaran oo ay yreeshaan Al-shabaab iyo Xisbul ISlaam garabka xasan Daahir Aweys kaasoo la qorsheynayo in lagu dhiso isbaheysi Islaam ah oo cusub kana madax banaan labada Urur ee Shabaab iyo Xisbiga, iyadoo mudada ay joogaan masuuliyiintaas magaalada Baardheere lagu soo rogay Bandow bilaabanaya Maqribkii ilaa waaga ka baryo.

XafiiskaWarqabadka                                                                Shabakada       Xamuure.com Muqdisho Edition

Duraan5@gmail.com

December 1, 2010 at 8:12 pm Leave a comment

Dulqaad Waa Dhamaaday

Oadayaasha Gaalkacyo P.:- “Dulqaadkii waa naga dhamaadey, Wadahadal dambena ma jirayo ilaa la keeno dadka colaada soo abaabulaya”.

December 1, 2010 at 7:49 pm Leave a comment

This is it: After months of hard work, the final vote on health reform in the House of Representatives is expected Sunday. It’s a chance to make history and finally give Americans control over their own health care — but it’s shaping up to be incredibly close, and every member of Congress will play a critical role.

This is it: After months of hard work, the final vote on health reform in the House of Representatives is expected Sunday. It’s a chance to make history and finally give Americans control over their own health care — but it’s shaping up to be incredibly close, and every member of Congress will play a critical role.

Continue Reading March 20, 2010 at 4:54 pm Leave a comment

That’s what President Obama wrote us yesterday about Natoma Canfield, an Ohio woman whose story helped inspire the President and the nation to keep fighting for reform.

That’s what President Obama wrote us yesterday about Natoma Canfield, an Ohio woman whose story helped inspire the President and the nation to keep fighting for reform.

Continue Reading March 19, 2010 at 12:07 pm Leave a comment

I wanted to take a moment to thank you directly for the outstanding work you’ve been doing as part of Organizing for America’s Final March for Reform. I can tell you that your voice is heard in Washington every day. I see how your efforts are moving us toward victory.

I wanted to take a moment to thank you directly for the outstanding work you’ve been doing as part of Organizing for America’s Final March for Reform. I can tell you that your voice is heard in Washington every day. I see how your efforts are moving us toward victory.

Continue Reading March 17, 2010 at 5:52 pm Leave a comment

Mar ay Shabakadda Calanka wax ka weydiisay gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida gobolka western Cape ee dalka K/Africa C/raxmaan Axmed Cumar (Cabdi yare jidow), waxa uu kala socdo qaxootiga Soomalaiyeed ee laga qaaday S/Africa ayaa waxaa uu sheegay inuu ka war hayo

Hey`adda UNHCR oo qaxooti Soomaaliyeed ka qaaday dalka Koonfur Afrika

Cape-town, S/Afrika 15-Maarso-2010


Hey`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa ay dalka Koonfur Africa ka qaaday qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 20 qoys.

Tirada dadka qaxotiga Soomaaliyeed ee hey`adda UNHCR ka qaaday dalka S/Africa ayaa lagu sheegay Boqol Toban iyo Kow qof (111), kuwaasi oo ka dhoofay garoonka Yanga International Airport ee magaalada Cape town.


Mar ay Shabakadda Calanka wax ka weydiisay gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida gobolka western Cape ee dalka K/Africa C/raxmaan Axmed Cumar (Cabdi yare jidow), waxa uu kala socdo qaxootiga Soomalaiyeed ee laga qaaday S/Africa ayaa waxaa uu sheegay inuu ka war hayo qaxootigaasi islamrkaana uu xusay in hay`adda UNHCR dadka ay qaaday badankoodu ahaayen dad dan yar ah oo in muddo ku jiray xero Milateri oo ku taalay bariga magaalada Cape town.

Hey`adda UNHCR ayaa qaabishay tiro ahaan Kun iyo shan boqol (1500) oo qoys, kuwaasi oo laga diiwaan geliyey magaalooyinka kala ah, Cape-town, Johannesburg, Port Elizabeth,(PE) iyo East London.


Qaxootigan Soomaalida ee laga qaaday dalka S/Africa ayaa waxa ay hey,adda UNHCR-ku dejisay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalooyinka, Kansas City, Minneapolis, iyo Ohio.

Horaantii bishii November ee sanadkii tegay ayey ahayd marki hey,adda UNHCR ka qaatay dalka S/Africa qaxooti Soomaaliyeed oo gaarayay ku dhawood 10 Qoys, kuwaasi oo iyana la dejiyey magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka.

Duraan5@gmail.com

March 16, 2010 at 9:51 pm Leave a comment

Warbixin ka soo baxday Xafiiska la socodka arrimaha dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqsiyaad caan ah oo isugu jira Wasiiro ka tirsan dowladda KMG iyo shaqsiyaad kale oo ku kacay Musuq Maasuq, liiskaasi oo loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixin ka soo baxday Xafiiska la socodka arrimaha dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqsiyaad caan ah oo isugu jira Wasiiro ka tirsan dowladda KMG iyo shaqsiyaad kale oo ku kacay Musuq Maasuq, liiskaasi oo loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Continue Reading March 16, 2010 at 9:44 pm Leave a comment

Masuuliyiin ka kala socota dowladda Somaliya iyo ururka ahlu-Sunnah Wal Jamaaca ayaa galabta ku kala sixiixday caasimadda dalka Itobia ee Addis Abeba heshiis ka kooban dhorw qodob, kaasoo ku dhaqan gali doona mudo soddon casho gudohood.

Masuuliyiin ka kala socota dowladda Somaliya iyo ururka ahlu-Sunnah Wal Jamaaca ayaa galabta ku kala sixiixday caasimadda dalka Itobia ee Addis Abeba heshiis ka kooban dhorw qodob, kaasoo ku dhaqan gali doona mudo soddon casho gudohood.

Continue Reading March 16, 2010 at 9:39 pm Leave a comment

Older Posts


Categories

  • Blogroll

  • Feeds


    Follow

    Get every new post delivered to your Inbox.