Warbixin ka soo baxday Xafiiska la socodka arrimaha dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqsiyaad caan ah oo isugu jira Wasiiro ka tirsan dowladda KMG iyo shaqsiyaad kale oo ku kacay Musuq Maasuq, liiskaasi oo loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

March 16, 2010 at 9:44 pm Leave a comment

Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay shaqsiyaad caan ah oo musuq maasuq ku dhacay

Muqdisho, Somaliya6-Maarso-2010


Warbixin ka soo baxday Xafiiska la socodka arrimaha dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqsiyaad caan ah oo isugu jira Wasiiro ka tirsan dowladda KMG iyo shaqsiyaad kale oo ku kacay Musuq Maasuq, liiskaasi oo loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa sheegtay in kala bar raashinka gargaarka oo Soomaaliya loo wado, in qandaraaslayaal daabula raashinka oo u shaqeeya heya’dda WFP ay masuq maasuqeen, waxaana laga xusay qanadaraaslayaashaasi Eng. C/qadir Eenow, inkastoo uu beeniyay ganacsadahaasi eedeymaha loo soo jeediyay.

Sidoo kale waxaa warbixinta ay ka hadashay hubka dalka Somalia ku sii qulqulaya iyadoo la sheegay in hubka ugu badan uu Soamaliya kasoo galo dhanka dalalka Yemen, Itoobiya iyo Erateriya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninka la yiraahdo Max’ed Siciid Atom oo reer Sanaag ah in hubka ugu badan uu ka keeno dalka Yeman oo sida ay warbixintu sheegeyso wuxuuna ka soo dajiyaa xeebaha Puntland, gaar ahaan Bariga Sanaag oo uu ku leeyahay saldhig milateri, waxaana warbixinta lagu sheegay in uu xiriir la leeyahay ururka kooxda al-Shabaab oo maliishiyadiisa ay tababar ku siiyaan , xero ku taalla deegaanka Galgala Puntland.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in burcad badeeda ay yihiin mudooyinkii danbe kuwo soo xoogeysanayey, isla markaana taageero siyaasadeed iyo mid badbaado ka hela goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin ee Puntland iyo bartamaha dalka Soomaaliya. sidoo kale ay burcad badeedu noqotay mid ganacsi waxaa lagu sheegay ninka hoggaamiya Maxamed Xasan Cabdi Afweyne.

Dhanka kale Wasiiro ka tirsan Dowladda ayaa warbixinta waxaa lagu sheegay in Wasiiro ka tirsan dowladda ay iibsadaan Fiisooyinka ay hesho Dowladda iyadoo lagu iibsado Kumanaan Dollarka Mareykanka, isla markaana ay jiraan Dalaaliin caan ah oo fadhiya dalka Kenya.

Kooxda la socodka Arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo horay u diiwaan geliyay musuq maasuq kii ugu ballaarnaa oo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda ay ku lug lahaayeen ayaa iminka waxaa warbixintii ugu danbeysay lagu xusay Wasiirada ay ka mid yihiin Madoobe Nuunow Maxamed oo ah Wasiirka Dastuurka, Wasiiradda Haweenka Marwo Fowsiyo Sheekh Maxamed, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Safiirka Dowladda KMG u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko .

Warbixinta ayaa sheegaysa in Fiisooyin ay heleen Wasiirada Dowladda ka tirsan ay si toos ugu iibsadeen dad gaar ah, kuwaasoo lacago fara badan laga iibiyo si ay ugu tagaan Yurub.

Waxaana Warbixinta ay si gaar ah u sheegtay in Wasiirka Kalluumeysiga ahna Ra´iisul Wasaare Kuxigeenka Prof. Cabdiraxmaan Ibbi iyo Safiir Ameeriko ay aad ugu dhoon daloolaan masuq maasuqa gaar ahaan iibsashada Fiisooyinka dalalka Yurub.

Dhamaan xubnaha magacyadooda ku xusan ee eedeymaha loo soo jeediyay ayaa intuba iska fogeeyay danbiyada lagu soo oogay, walow dadka ku xeel dheer siyaasadda dalka Soomaaliya ay qireen jiritaanka eedeymaha iyo danbiyada loo heysto.

Arintan ayaa dhabar jab iyo fadeexad Dowladda KMG maadaama la shaaciyay Wasiiro iyo Mas´uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan oo ku kacay Musuq maasuq aan horay loo arkin, iyadoo shaqsiyaadkaasina aysan u muuqan kuwo wadaniyiin ah.

Entry filed under: www.xamuure.com. Tags: .

Masuuliyiin ka kala socota dowladda Somaliya iyo ururka ahlu-Sunnah Wal Jamaaca ayaa galabta ku kala sixiixday caasimadda dalka Itobia ee Addis Abeba heshiis ka kooban dhorw qodob, kaasoo ku dhaqan gali doona mudo soddon casho gudohood. Mar ay Shabakadda Calanka wax ka weydiisay gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida gobolka western Cape ee dalka K/Africa C/raxmaan Axmed Cumar (Cabdi yare jidow), waxa uu kala socdo qaxootiga Soomalaiyeed ee laga qaaday S/Africa ayaa waxaa uu sheegay inuu ka war hayo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Calendar

March 2010
M T W T F S S
« Feb   Dec »
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  

Most Recent Posts


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.