Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheeka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee

December 1, 2010 at 8:12 pm Leave a comment

Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheeka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee Shabaab ayaa shalay galab goob fagaare ah kula hadlay dadweyne la isugu yeeray degmada Baardheere ee gobolka Gedo kuwaasoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.

“Waxaad la socotiin in cadowga Ilaahey ay qorsheynayaan in ay la soo kordhiyo ciidamadooda Afrikaanka calooshod u shaqeystayaasha, marka waxaa la idinka rabaa in idinka iyo haweenkiina iyo carruurtiinaba ay u kala harin jihaadka oo aad dhinaciina ka kordhisiin halganka looga hortagayo cadawgaasi ku soo duulay dalka iyo diinta” ayuu yiri Sheekh Cali dheere oo dadkaasi tabaaleysan ee tooda heysata ku booriyay in ay dagaalamaan.

Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in loo baahanyahay iskaashiga walaalaha Muslimiinta iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan si ay u gaaraan horumar iyo baraare, wuxuuna odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dibu heshiisiinta laguna midoobo Kitaabka ALLE iyo Shareecada Islaamka.

Abuu Masuur ayaan marnaba soo hadal qaadin erayo ka hadlaya dagaalada iyo waxa loogu yeero Jihaadka kaasoo laga dheehan karo dabacsanaan iyo inuusan ku qanacsaneyn qaabka aan dhamaadka iyo natiijada laheyn ee ka jira dalka gaar ahaan Muqdisho, isagoo horay ciidamadiisa ugala baxay gobolada Banaaadir, Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.
Booqashada Masuuliyiinta ee Baardheere ayaa warar hoose oo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan inay hordhac u tahay kulan balaaran oo ay yreeshaan Al-shabaab iyo Xisbul ISlaam garabka xasan Daahir Aweys kaasoo la qorsheynayo in lagu dhiso isbaheysi Islaam ah oo cusub kana madax banaan labada Urur ee Shabaab iyo Xisbiga, iyadoo mudada ay joogaan masuuliyiintaas magaalada Baardheere lagu soo rogay Bandow bilaabanaya Maqribkii ilaa waaga ka baryo.

XafiiskaWarqabadka                                                                Shabakada       Xamuure.com Muqdisho Edition

Duraan5@gmail.com

Entry filed under: www.xamuure.com. Tags: .

Dulqaad Waa Dhamaaday Dhaawaca Taliyaha ayaa la geeyey Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to the comments via RSS Feed


Calendar

December 2010
M T W T F S S
« Mar   Dec »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  

Most Recent Posts


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.